Beledweyne oo ay ka socoto doorashada mid ka mid ah kuraasta ugu loollanka adag

Muqdisho (RH)-Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa ka socota doorashada kuraasta ka soo galeysa gobolka Hiiraan ee ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad, waxaana kuraastaa ka mid ah kuriga Hop063, waxaana ku tartamayay illaa sagaal musharax.

Waana markii ugu horreysay oo hal kursi ay ku tartamaan intaas oo mushaarax ah.

Waxaa kursigan horrey ugu fadhiyay Cabdillaahi Goodax Barre, in kastoo hadda lagu reebay wareegii koowaad.

Waxaana musharrixiinta kale ee kursigan ku tartamayay ka mid ah Cabdi Afrax Guure, Cabdirisaaq Macallin Ciid, Daahiir Xaaji Aadan, Ibraahim Xabeen Nuur, Xiireey Axmed Rooble, Maxamed Iidle Sabriye, waxaa kale oo ku jirtay Nadar Tabaax Maalin, Yoonis Khaliif Xasan.

Wareega labaad waxaa isugu soo haray Cabdirisaaq Macallin Ciid iyo Maxamed Daahir Xaaji Aadan, labadan musharrax ayaa wareegii labaad is mari waayay, waxaana loo gudnay wareegga saddexaad oo hadda doorashadooda ay socoto.

Beledweyne oo ay ka socoto doorashada mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag

Waxaa sheegis mudan, in doorashadan maanta dhaceysay in lagu waday in ay xaley dhacdo, laakin maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in sababo amni loo qaban waayay.

Kursigan ayaa ka mid ah kuraasta ugu adag ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya, waa kursi ay ku tartamayaan musharixiintii ugu badnaa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category