Fahad Yaasiin oo xildhibaan loo doortay

Beledweyne (RH)-Doorasho maanta ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa xildhibaanimo loogu doortay la taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo mudane Fahad Yaasiin.

Fahad waxa uu heley 70 cod, halka musharax Axmed Dayib Axmed uu heley 24 cod, 3 codna ay halaabeen sida uu shaaciyay guddiga doorashada Hirshabeelle.

Magaca rasmiga ah ee guddiga ay ugu yeereen Fahad ayaa ah Fahad Daahir Axmed.

Kursiga tirsigiisu yahay 086 waxa horey ugu fadhiyay Faarax Cabdiqaadir oo aan illaa iyo hadda warbaahinta la hadlin, tartankana aanan ka qeybgalin.

Meeshii lagu dooranayay Fahad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Mar sii horeysey saakay, war lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada heer federaal ay hakiyeen kursiga 086 ee Fahad loo doortay maanta.

Waxaa kale oo maalmahan jirey isqabqabsi u dhaxeeya guddiyada heerarka kala duwan oo ku saabsan kursigan.

Xiggasho: BBC

Category