Muxuu yahay jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliya?

Muqdisho (RH)-Bayaan xaley saqdii dhexe ay soo saareen guddiga doorashooyinka ee heer federaal ee Soomaaliya, ayaa waxey shaaciyeen jadwalka dhameystirka doorashada.

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha 3-aad illaa 23-ka bishan lasoo uruurin doono dukumiintiyada xildhibaanada labadda aqal, isla markana guddigu ay hubinta dukumintiyada qaadan doonto 24-ka bishan illaa 29-ka bishan.

Xildhibaanada la doortay ee labada aqal, ayaa lasoo xareyn doonaa, oo Muqdisho iman doona 2-da illaa 4-ta bisha April ee bisha soo socota.

Guddiga ayaa sheegay in 14-ka bisha Aprilla dhaarin doono xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Balse maamul goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug,ayaa kahor yimid jadwalka cusub ee ay soo saareen guddiga doorashada ee heer federaal.

Labada maamul ayaa qoraalo ay soo saareen waxey ku sheegeen in cidda kaliya ee jadwaleynta iyo qorsheynta dhameystirka doorashada ay tahay Madasha Wadatashiga Qaran.

Dhanka kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa isna xalay shaaciyey qabashada 16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Sida ku xusan qoraal uu guddiga soo saarey doorashada 16-ka kursi, ayaa lagu qaban doonaa muddo 2 toddobaad gudohood ah.

Xiggasho: BBC

Category