Waa tuma Aaamino Maxamed, xildhibaannaddii lagu dilay Baledweyne?

Beledweyne (RH)-Waxaa xalay qarax ka dhacay magaalada Baledwayn xalay lagu dilay allah ha u naxriistii xildhibaan aaamino Maxamed.

Marxuumadda ayaa waxaa sida ay wararka sheegayaan lala beegsaday qarax halkaasi oo ay ku dhimatay. Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida uu xaqiijiyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lagu soo doortay Beledweyne marxuumadda ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Jeesow oo ka hadlayey geerida ku timid marxuumadda ayaa sheegay inay aheyd xildhibaanad ka dhex muuqatay reer Hiiraan.

"Aamino waxay aheed xildhibaanad ka dhex muuqato, gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed. Ilaahey ha u naxariisto, sabar iyo iimaan allaha naga wada siiyo," ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la'aan ah ay ugu doodi jirtay.

Waa tumaa xildhibaan Aamino?

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay.

Waxaa ay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanaddii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka.

Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon.

Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarlamanka ee arrimaha bulshada.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ka hor inta aysan siyaasaddda ku soo biirin waxay ahayd maclimad wax ka dhigta iskuulada magaalada Muqdisho.

Sida ay ku sheegtay wareysi uu la yeeshay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ah waxaa ay sidoo kale mar ahayd maclimad dhigta dugsi quraan.

"Inta aanan noqon macllinka iskuulka, macalin dugsi ayaan ahaa, ayay tiri mar ay wax laga waydiiyay taariikhdeeda."

Marxuumad Aaamino ayaa sheegtay in xilligii ay macallin dugsiga ahayd sanadihii 1992 ilaa 194 magaalada Muqdisho amaankeedu ahaa mid aad u xun islamarkaana ay caqabado badan la kulmi jirtay.

"Macalin aad u ad-adag ayaan ahaa, waxyaabaha aan ka xusuusto waxaa ka mid ah, waqtigaas la joogay in macalin ad-adkaado waad dareemi kartaa oo qori la haysto oo qofka aad wax u dhigayso laga yaabo in uu walaalkii bananka taagan yahay isbaaro dhiganayo,," ayay inta ku dartay.

Allah ha u naxriistee xildhibaanad aamino ayaa sidoo kale sheegtay in intii ay macllimadda ahayd islamarkaana ay Muqdisho amni darrada ka jirtay ay la kulantay dhacdooyin badan oo ka yaabiyay.

"Waxaan xusuustaa oo mararka qaarkood aan la yaabaa, xaafadda aan daganaa ee aan macallinka dugsiga ka ahaa ilmaha qaar meelo dhaadheer ayay mararka qaar uga yimaadan, ardeyda qaar ka mid ah ayay qoyskooda waxay ahaayeen kuwa awood meesha ku leh oo hub haysta, hooyadey iyo islaamo kale ayaa meel aadaya , islamaaha kale isbaaro ayaa loo dhigtaa laakiin aniga hooyadey isbaaro looma dhigan jirin oo waxaa la dhahaa macllin Aamino hooyadeed waaye,," ayay tiri.

Ikraan Tahliil

Marxuumad Aaamino Maxamed ayaa waxaa ay dadka inta badan ku xusuustaan sidii ay ugu dooday Ikraan Tahliil Faarax oo ay nabad sugidda Soomaaliya sheegeen in ay Shabab dileen.

Kooxda Shabab ayaa warka ay dowladda soo saartay ka dib iska bari yeelay dilkeeda iyaga oo sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn kiiska Ikraan Tahliil.

Markii Ikraan la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay waxa ay marxuumadda ka mid ahayd dadkii hormuudka u ahaa raadinteeda.

Sidoo kale markii ay dowladda shaacisay in ay dhimatay Ikraan, waxay xildhibaan Aamino ka mid ahayd masuuliyiintii u kacay xaq u raadinteeda.

Waxaa ay mar waliba qaban jirtay shir jaraa'id iyada oo ay barbar-taagan tahay hooyada dhashay Ikraan Tahliil.

Marxuumad aaamino Maxamed ayaa ku celcelin jirtay baaqeeda ah in qoyska Ikraan Tahliil ay cadaalad helaan.

Ra''isal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dilkeeda la xiriiriyay dadaalladii ay cadaaladda ugu raadineysay Ikraan.

"Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta."

Xiggasho: BBC

Category