RH: Esbjerg: Maxkamadda magaalada Esbjerg ee dalka Denmark waxaa ka socota dacwad culus oo loo haysto ganacsade 45-jir ah, kaas oo wajahaya in lagala wareego lacag malaayiin ah iyo eedeymo la xiriira ka ganacsiga daawooyinka sharci darrada ah."
Qodobbada Warka:
Ganacsade 45-jir ah oo dukaan ku leh magaalada Esbjerg ayaa isku dayaya inuu badbaadsado hanti gaareysa 11 milyan oo karoon, taas oo dowladda Denmark ay doonayso inay kala wareegto.
Ninkan ayaa maxkamadda ka hor sheegay in lacagtan uu soo kaydsanayay tan iyo markii uu ahaa 15-jir, isagoo iska fogeeyay in lacagtaasi ay ka timid waddo sharci darro ah.
Boliiska ayaa ninkan ka helay lacag kaash ah oo gaareysa lix milyan oo karoon, taas oo ku jirtay qol hoose (keller) oo uu leeyahay, halka shan milyan oo kalena ay ugu jirtay xisaabtiisa bangiga.
Eedaysanaha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu si abaabulan u iibinayay daawooyinka xanuunka baabi’iya ee daroogada loo isticmaalo (Opioids), kaniiniyada hurdada, iyo sigaar sharci darro ah. Kiiskan ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah kuwa ugu waaweyn ee soo maray magaalada Esbjerg waayadan dambe.
Mar wax laga weydiiyay sababta uu lacagta intaas le'eg guriga ugu haystay, wuxuu ku dooday inuusan aaminsanayn bangiyada, uuna ka taxadarayay dhibaatooyinka dhaqaale ee adduunka, inkastoo xeer-ilaalintu ay su’aal gelisay sababta lacagta kale ay ugu jirtay bangiga haddii uusan aaminsanayn.
Ninkan ayaa sidoo kale maxkamadda u sheegay in daawooyinka iyo sigaarka la qabtay aysan ahayn hanti uu isagu leeyahay, balse lagu qasbay inuu u hayo dad kale oo uusan magacaabin, isagoo sheegay inuu u cabsanayo badqabka qoyskiisa.
Dhegaystayaal, kiiskan ayaa weli ka socda maxkamadda Esbjerg, iyadoo la filayo in go’aan laga gaaro bartamaha bisha December.
"Wixii kasoo kordha kiiskan kala soco wararkeenna dambe."