MUQDISHO (Radio Hormuud) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ay ku dooneyso inay sare ugu qaaddo sumcadda dalka iyo xasiloonida iyada oo loo marayo dhiirigelinta dalxiiska, xilli ay weli jiraan khataraha ka imaanaya kooxda Al-Shabaab oo weli culeys ku haysa caasimadda Muqdisho.
Carruur ku dabaalanaysa badda buluugga ah, ganacsato wax ku iibinaya xeebaha ciidda cad leh, iyo doonyo ay rakaab ka buuxaan oo maraya dekedda. Muuqaalkan ayaa laga yaabaa inuu qofka xasuusiyo jasiiradaha kulaalayaasha ah ama magaalooyinka dalxiiska ee Faransiiska, balse waa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sheryl iyo Richard, oo ah lamaane u dhashay dalka Mareykanka, ayaa kamid ah dalxiisayaasha lagu arkayay iyaga oo lugeynaya xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
"Waxaan u maleynayaa inaanan qoyskeyga u sheegin halka aan u socdo si sax ah," ayay tiri Sheryl oo la hadleysay wakaaladaha wararka kadib socod ay xeebta ku martay. Waxay intaas ku dartay, "Laga soo bilaabo markii aan diyaaradda ka soo degnay, waxaan dareemayay ammaan. Sida wax loo sheego iyo sida ay yihiin way kala duwan yihiin."
Inkastoo dalku uu saddexdii sano ee la soo dhaafay ku jiray xaalado adag, haddana dowladda ayaa sheegtay in weerarada ka dhaca dalka ay hoos u dhaceen 86% tan iyo sanadkii 2023-kii. Hormarkan ayaa lala xiriirinayaa kordhinta kaamirooyinka ilaalada (CCTV), baraha koontaroolada, iyo ciidanka booliska ee dharcadka ah.
Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 10,000 oo qof ay dalka soo booqdeen sanadkii 2024-ka, iyadoo la filayo in tiradaas ay laba-jibbaaranto sanadkan. Wasiirka ayaa xusay in dalxiisayaasha ugu badan ay ka imaanayaan waddamada Shiinaha, Mareykanka iyo Turkiga.
Cali Xasan, oo ah aas-aasaha shirkadda dalxiiska ee Visit Mogadishu Tours, ayaa sheegay in warbaahinta Reer Galbeedka ay dadka ka cabsi-geliyaan imaatinka Soomaaliya.
"Dad badan ayaa ka baaqsada inay yimaadaan Soomaaliya sababo la xiriira warbaahinta reer galbeedka oo sheega inaan la isku haleyn karin," ayuu yiri Cali. Shirkaddiisa ayaa dalxiisayaasha ka qaadda lacag dhan qiyaastii $430 (3000 oo Karoonka Danish-ka ah) maalintii, taas oo isugu jirta fiisaha, hoyga, cuntada, iyo gawaarida gaashaaman ee lagu dhex maro magaalada.
Dowladda ayaa aaminsan in dalxiisku uu wax weyn ka beddeli karo sumcadda Soomaaliya. Dhowaan ayay dowladdu hirgelisay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa system), in kasta oo uu nidaamkaasi la kulmay weerar dhanka internetka ah.
Anthony Middleton, oo ah dalxiise u dhashay dalka Ingiriiska oo labo habeen ku qaatay Muqdisho, ayaa qiray in magaca "Soomaaliya" uu weli dadka cabsi geliyo.
"Magaca Soomaaliya wuu cabsi geliyaa dadka. Dad badan ayaa aaminsan inuu yahay dal halis ah – waana ay ku saxan yihiin dhinac," ayuu yiri Anthony, isagoo intaa raaciyay in bangigiisa uu xannibay afar kamid ah kaararkiisa markii ay ogaadeen inuu ku sugan yahay Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo dowladda ay gacanta ku hayso caasimadda, haddana raadadka colaadaha ayaa weli ka muuqda dhismayaasha qaar, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli saameyn ku leedahay dhaqaalaha iyo deegaannada qaar, iyaga oo ka digay in caasimaddu ay noqon karto bartilmaameed.
Diyaarinta warakan: Mohamed-Amiin Siyaad Abdi
Xigasho wakaalada wararka ee Denmark.