Warbixin: Jakob Ville oo noqday duqa cusub ee Kolding

RH Kolding, Denmark – Jakob Ville oo ka tirsan xisbiga Venstre ayaa noqday duqa cusub ee magaalada Kolding, kadib doorashadii dhacay habeenkii Talaadada. Ville, oo helay ku dhawaad 5800 cod, ayaa noqday musharaxa ugu codka badan magaalada.

Waxa uu sheegay in uu helay hal saac oo keliya oo uu seexdo, kadib toddobaadyo uu cadaadis badan ku jiray. Subaxnimadii Arbacada ayuu telefoonka ka qabtay, isagoo farxad iyo nasasho isku dareemaya – balse si aamusnaan ah uga falceliyay markii loo sheegay tirada codadka uu helay.

Ville ayaa sheegay in maalintiisa Arbacada ay buux dhaafiyeen shirar iyo warfidiyeenno, balse uu rajeynayo inuu galabta waqti la qaato qoyskiisa oo aanu arkin tan iyo habeenkii doorashada.

Inkasta oo xisbiga Venstre uu heli lahaa aqlabiyad buuxda oo midig ah, haddana Jakob Ville wuxuu sameeyay isu-tag cusub oo uu la galay DF, Radikale Venstre iyo SF. Wuxuu sheegay inuusan siyaasadda u arkin mid casaan iyo buluug u kala qaybsan, balse ay muhiim tahay in laga shaqeeyo qorsheyaal waaweyn oo mustaqbalka fog wax taraya.

Category