Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta muxuu ka yiri Kursiga uu tartamayay?

Muqdisho (RH)-Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Ka tanaasulay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69.

Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.”.

Xildhibaan Odowaa oo hore kursigan ugu fadhiyay ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimada.

Xiggasho: BBC

Category