Waa imisa Soomaalida kuxayiran xuduudda u dhaxeysa Ukraine iyo Poland?

Xadka u dhaxeeya dalalka Ukraine iyo Poland, ayaa waxaa ku xayiran Soomaali aad u tiro badan, iyadoo sidoo kale ay ku xayiran yihiin dad kaloo fara badan.

Axmed Cabdullaahi, oo aan kula xiriirney Khadka taleefanka, isagoo markaa kusugnaa xadka Ukraine, ayaa sheegay iney soo lugeeyeen 40km.

Wuxuu intaa ku darey Axmed inaaney sahlaneyn isaga talaabista xuduudaha Ukraine iyo Poland, isagoo xusay in ajnabiga iyo muwaadiniinta dalka Ukraine lakala soocayo.

Axmed wuxuu carabka ku dhuftey iney tiradoodu gaareyso Soomaali ahaan iyo 150 qof, iyagoo isugu jira rag iyo dumar.

Waxay isugu jiraan Soomalida ku sugan Ukraine ardey waxbaranaysay, iyo kuwo qaxooti ahaa.

Ma jiraan wax qoysas Soomaali ah oo dalkaasi kusugan. Dad aad u tiro badan ayaa taagan xuduuda u dhaxeysa dalalka Ukraine iyo Poland.

Xiggasho: BBC

Category