Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland oo is casilay kuna dhawaaqay urur siyaasadeed

Hargeysa (RH)-Wasiirka wasaaradda Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin ayaa warqada istiqaalada u gudbiyay maanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. iyada oo uu mudane Biixi ka aqbalay iscasilaadiisa.

Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, Cabdirisaaq ayaa doonaya in uu furto xisbi siyaasadeed cusub oo uu doonayo in uu uga dhawaaqo magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, wakaalada warrarka ee SOLNA, ayaa warisay in wasiir Ataash uu waraaqaha is casilaadisa u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha ayaana ka aqbalay, Ataash ayay wakaaladu sheegtay in uu Khaamiista maanta ah uu urrur siyaasadeed la magacbaxay Waabari kaga dhawaaqi doono magaalada Hargaysa.

Somaliland marka laga yimaado doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13, November waxaa sidookale xukuumada Somaliland ku dhawaaqday in ay qabanayso doorashadii tartanka urrurada siyaasada, madaama oo ay gaadhay wakhtigii 10 sanno oo kasta la furayay urrurada siyaasada.

Tan ayaa macnaheedu tahay in kadib doorashada urrurada ay soo bixi doonaan 3 xisbi oo cusub, amaba ay dhici karto in ay soo noqdaan xisbiyadii hore ama qaar kamid ahi soo noqdaan qaarna xisbiyo kale badalaan.

Hadaba waxaa jira dad sidookale, ka tagay xisbiyada mucaaradka Somaliland ee hada oo ay ka tirsanaayeen si ay u furtaan urruro, oo hadii nasiibku la jiro ay u noqdaan madax xisbi, inkasta oo wali xukuumada iyo mucaaradku anay ku heshiin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada urrurada.

Baarlamaanka Somaliland aya horey u ansixiyay xeerka furuashada ururad siyaasadda.

Xiggasho: BBC

Category