20 kun oo dheeriya shaqeyso iyada oo aan caydha lagaa jarin.

Denmark waxaa ka jiro fisado aad lacag dheeriya ku shaqeysankarto adiga oo caydhii ama lacagtii hawlgabka qaadanaya

Xisbiyo kala duwan ayaa ku heshiiyey in la sii wado nidaamka kaadhka daryeelka bulshada(socialt frikort).

 

Muddada tijaabada ee nidaamka kaadhka daryeelka bulshada waxay ku ekayd dhammaadkii 2022, laakiin hadda waxay sii socon doontaa laba sano oo kale 2023 iyo 2024.

 

sidaas waxa ku heshiiyey dawladda, xisbiga Libaraalka, DF,  Radikaalka, SF, Enhedslisten, Konserfatifka, alternativ, Libaraalka iyo Christian Democrats.

 

Tan iyo sannadkii 2019, qorshahu waxa uu u suurtogeliyay dadka danyarta ah ee gaar ahaan bulshada dhaqaale ahaan liidata, in ay helaan ilaa 20.000 koron cashuur la'aan sannadkii, iyada oo aan laga  jarin lacagtii ay dawladu siinjirtay sida caydha ama lacagta hawlgabka.

 

Dadka haysta fursada kaarka daryeelka bulshada may raadsan shaqo intii hore gaar ahaan  sannadkii 2019, waxaan ka faaiddeysata firasada sannadkas kaliya 29 boqolkiiba. Sannadkii  2022, waxa uu kordhay 36 boqolkiiba.

 

Intaa waxaa dheer, in 9 boqolkiiba ay heleen shaqo ay kaga maarmeen taageeradii dhaqaale ee la siin jiray iyada oo kaliya boqolki 4  la filayey in ay gallikaraan suuqa shaqada.

 

Wasiirka arrimaha bulshada iyo waayeelka Astrid Krag ayaa tiri :

 

Qof kastaa waa inuu helaa fursad uu ku muujiyo inuu wax ku biirin karo bulshada. tusaale ahaan  dadka la halgamaya jirrooyinka dhimirka, guri la'aanta ama isticmaalka mukhaadaraadka.

Qiimaynta kaarka daryeelka bulshada ayaa si cad u muujisay in qorshahani uu dad badan ka caawinkaro suuqa shaqada iyo noloshaba. Taasi waa sababta aan sidoo kale ugu faraxsanahay inaan rabo inaan sii wado qorshahan laba sano oo kale."

 

 

Category