Warar

Muqdisho (RH) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray amar xaddidaya in wasiirada cusub ee xukuumaddiisa ay isbeddelo ku sameeyaan ama shaqada ka eryaan saraakiisha darajooyinka sare ee dowladda.

“Dhammaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda, waa inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu Xamza ku yiri qoraalka.

“Waxaa reeban magacaabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.”