Magaalada Berbera Oo laga Daah-furey Suuqa Xorta Ah Ee Cashuuraha Ka Caagan

Berbera(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jarey dhismaha xarunta cusub ee Loo Bineeyey Aaga xorta ah ee cashuuraha ka caagan  ee magaalada  Berbera (Berbera Economic Free zone).

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen shir-guddoonka golaha Baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, guddoomiyaha shirkadda DP-world, wakiillo ka socday shirkado kala duwan oo iska diiwaangeliyey suuqan xorta ah, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada dalka, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone-ka, ganacsato, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, ayaa laga soo jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu suuqani u leeyahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba bulshada gobolka geeska Afrika ku dhaqan.

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay madaxa shirkadda IFFCO Mr. Cabdul Jabbar iyo Liz LLoyd oo ah madaxa shirkadda caalamiga ah ee Iingiriiska u qaabilsan maalgashiga (BII) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey xarunta ganacsiga xorta ah ee laga hirgeliyey duleedka Berbera, waxana ay sheegeen inuu mashruucani yahay fursad cusub oo Somaliland usoo jiidi karta  maalgashadayaasha caalamiga ah.

ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin suuqan xorta ah ee loo hirgelilyey duleedka Berbera, iyaga oo caddeeyey inay si rasmi ah u isticmaali doonaan suuqan xorta ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu leeyahay suuqan xorta ahi iyo sida uu kor ugu qaadayo maalgashiga dalka.

 Guddoomiyaha shirkadda DP-world, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa isaguna dhankiisa guul weyn ku tilmaamay dhammaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Jamhuuriyadda Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo qaranka iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi,“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhismaha suuqan xorta ah iyo mashaariicdii hore ee shirkadda DP-world ka hirgelisay Berbera inay magaalada Berbera ka dhigayaan mid awood u leh inay waraabiso dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla,“Mashaariicda laga hirgeliyey Berbera waxay ka dhigayaan dekedda mid awood u leh inay u adeegto gobolka iyo dalalka aan dekedaha lahayn ee ku yaalla qaaraddeena, waana tallaabo taariikhi ah oo dawladdu u qaadday dhinaca hirgelinta qorshihii horumarinta Qaranka ee (NDP 1,2, &3,).

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada qaranka oo uu ku tilmaamay kuwo sabab u ah horumar kasta oo uu qaranku ku tallaabsaday, waxana uu muddadii uu jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa, nabaddaas, horumarkaas iyo quruxdaasi waxay ku timi dhiigga geesiyaasha qaranka ee maalin walba naftooda u huraya si aynu horumar u gaadhno oo inaga mudan mahadnaq iyo xusuus gaar ah.”

Mashruucan suuqa xorta ah ee uu madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray, ayaa kamid ah mashaariic tiro badan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka oo ay shirkadda DP-world ka hirgelisay oo ay kamid yihiin casriyeynta dekedda Berbera, garoonka diyaaradaha ee Berbera iyo jidka Berbera-Wajaale (Berbera Corridor).

 

Category