Sawirro:Baroordiiq iyo isu soo baxyo Muqdisho loogu sameeyay dadkii ku dhintey qarixii Liido

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay isku soo bax iyo mudaaharaadyo looga soo horjeedo kooxda Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qarixii labo habeen ka hor ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Isu soo baxa oo ka dhacay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne u badan dhallinyaro.

Dhammaan dadka ka hadlay goobta ayaa cambaareeyay falalka kooxda Shabaab ay ku dhibaateeneyso shacabka, waxaana dowladda loogu baaqay in ay adkeyso ammaanka goobaha shacabka.

Dadka isku soo baxa ka qeybgalay ayaa xirnaa weer cas oo astaan u ahayd dadka bannaanbaxayay.

Dadka cadhaysan oo sitay boorar ay ku sawirran yihiin qaar ka mid ahaa dhallinyarada qaraxa ku dhintey ayaa socod ku maray xeebta Liido, iyagoo ka falceliyeen qaraxa ka dhacay xeebta Liido oo ka mid meelaha dadka caasimaddu u tegaan maalmaha Jimcaha iyo Khamiista nasiinada.

Ku dhawaad 50 ayaa ku dhintey qaraxa Liido, waxaana sii kordhaya tirada dhaawacyada qaraxa.

Dareenkii Shacabka isugu soo baxay xeebta LiidoDareenkii Shacabka isugu soo baxay xeebta LiidoDareenkii Shacabka isugu soo baxay xeebta Liido

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category