Shariif Sheekh Axmad oo ka hadlay dagaalka Laasacaanood

Muqdisho (RH)-Afar qodob oo ku saabsan dagaalkii Laascaanood oo uu ku baaqay madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmad, ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay waxa uu ayaan darro wayn ku tilmaamay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee gaaray maalintiisii 12-aad.

Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aan dulqaadan karin daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanoodna lagu sifayn karo dambiyo ka dhan ah Bini'aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay afartan qodob:

1- in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo joojiyo xabadda.

2-In ciidanka laga dulqaado magaalada.

3-In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.

4-In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Xigasho: BBC

Category