Turkiga oo xaqiijiyay goorta ay kulmayaan mar kale Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (RH)-Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in wareeg kale oo wadahadalo ah uu ku dhexmamri doono wafuud ka kala socota dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya magaalada Ankara.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo saxaafadda la halay Jimcihii shaley ayaa xaqiijiyay in wasiiradda arrimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya in ay yeelan doonaan kulan kale.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa, waxaana Itoobiya ay galaangal u yeelan doontaa badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya, waa in Itoobiya ay xaqiijiso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya ayaa yimid todobaad ka dib markii uu booqday magaalada Addis Ababa halkaasoo uu kula kulmay ra'iisal wasaare Abiy Ahmed, sida ay ku warrantey wakaaladda wararka Reuters.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in haddii Ethiopia ay doonayso inay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, ay soo marto waddada sharciga ah, iyadoo ixtiraamaysa madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya 

Category