Waa kuma dhaxal-sugaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeynta?

Jamaame (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa ragga asaasay Al-Shabaab, isla markaana loo badinayay inuu mar uun hoggaamin doono ururkaas.

War qoraal ah oo lagu shaaciyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in sarkaalkaas oo sidoo kale loo yaqaanay  Cabdullahi Yare, 1-dii October lagu dilay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay uu ahaa “mid qorsheysan” oo ay iska kaashadeen “ciidamada qaranka iyo saaxiibbadooda caalamiga ah”.

Faahfaahin kama aysan bixin in weerarka loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka mise inuu ahaa mid qaab kale loo fuliyay.

Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin dilka ay dowladda Soomaaliya sheegtay in loo geystay sarkaalkaas sare.

Maraykanka ayaa Cabdullaahi Nadiir dul dhigay lacag 3 milyan oo doollar ah, waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ururkaas ee sida weyn loo baadigoobayo.

Khubarrada amniga ayaa rumaysan in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa “dhaxal-sugaha Al-Shabaab” uuna ka haray raggii aasaasay ururka.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa marar kala duwan sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubayda) uu xanuunsan yahay.

Haddaba waa kuma Cabdullaahi Nadiir?

Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdullaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa da’aada 44 jirka, isla markaana ay qoyskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed kaddib "Abaartii Cagabararka" ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992.

Cabdullaahi ayaa xilligaas da’diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dageen deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhanka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii dambena noqday macallin kumbiyuutar.

Markii uu si qarsoodi ah u soo shaac baxay ururka Al-Shabaab sanadkii 2004, waxaa la tilmaamay in Cabdullaahi Nadiir uu ka mid ahaa ragga aadka ugu dhow hoggaamiyhii hore Axmed Cabdi Godane, isla markaana uu ahaa gacan-yarihiisa.

Godane ayaa Nadiir u magacaabay xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa raggii diyaariyay barnaamijkii uu 2009 ururkaas aad ugu dhaliilay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilliyaas loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya.

Dadka ka warramay taariikhda Cabdullaahi Nadiir ayaa sheegay in markii uu Axmed Cabdi Godane si buuxda ula wareegay hoggaanka uu fursad u waayay saaxiibkiis Cabdullaahi Nadiir, sidaana uu ugu wareegay dhanka Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afghan) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Nadiir iyo Afghan ayaa noqday saaxiibbo dhow. Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa isku qabtay arrimo la xiriira hoggaanka ururka, waxaana taas ay keentay dagaalyahannada ururkaas inay bishii Juun ee 2013 Ibraahim Afghan ku dilaan Shabeellaha hoose.  

Dilkii Ibraahim Afghan kaddib, Cabdullaahi Nadiir oo ay kala irdhoobeen saaxiibkiisii hore ee Godane ayaa u cararay gobolka Gedo, waxaana uu halkaas ku dhuumaalaysanayay in muddo ah.

Kaddib markii uu Mareykanka duqeyn ku dilay Axmed Godane bishii Sebteembar ee 2014, waxaa hoggaanka Al-Shabaab la wareegay Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubayda), kaasoo mar kale saaxadda ku soo celiyay Cabdullaahi Nadiir.

Waxa uu noqday madaxa Golaha Shuurada iyo sarkaalka ugu sarreeya maaliyadda. Sidoo kale waxa uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa waxa ay ugu yeeraan dacwadda.

Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin mayal-adag, oo ay ku fog tahay afkaarta gaalaysiinta ama waxa loo yaqaan takfiirinta.

Waxaa u dhaxday haweeney la dhalatay Xasan Daahir Aweys oo uu dumaal ahaan ku guursaday kaddib markii uu ka dhintay walaalkiis.

Saameynta dilkiisa

Al-Shabaab waxaa hadda ku socda dagaal ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada Hiiraan iyo Galgaduud. Waxaa laga saaray deegaanno ay sanado badan ka talinayeen.

Cabdisalaam Guuleed oo mar ahaa taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa rumaysan in dilka Cabdullaahi Nadiir uu Al-Shabaab ku soo aaday xilli adag.

“Geeridiisa dhabar-jab ayay ku tahay Al-Shabaab oo hadda wajahaysa culaysyo badan. Mas’uuliyadda uu hayay waxaa ka badan isku xirka iyo dhaxtaalka uu ahaa iyo kalsoonida uu ku qabay hoggaanka ururka,” ayuu yiri Cabdisalaam, oo u warramay BBC.

Waxa uu intaa raaciyay inay geeridiisa xitaa sababi karto kala qeybsanaan soo dhexgasha Al-Shabaab.

“Markii Al-Shabaab lagu qaaday dagaalkii xoogganaa ee Muqdisho looga saaray ee madaxda ururka ay isugu tageen Baraawe, waxaa dhacday inay su’aalo iska wehttps://www.radiohormuud.dk/node/add/newsydiiyaan waxa qaldamay, kaddibna Godane ayaa laayay qaar ka tirsan saraakiishii ugu sarreysay ururka. Maaddaama hadda uu Cabdullaahi Nadiir ka baxay meesha, waxaa dhici karta arrintaas oo kale, oo xitaa ay ururka gudihiisa isku laayaan cidda beddelaysa.”

Xigasho: BBC

Category