Wararkii ugu dambeeyay qaraxyada ka dhacay magaalada Beledweyne

Beledweyne (RH)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen xarunta Lamagalaay oo ah goobta ay ku shiraan maamulka gobolka Hiiran iyo hey'addaha ammaanka ahna madaxtooyada magaalada.

Qaraxa ayaa dhacay xilli goobta ay ka socotay shaqo, waxanaa ku sugnaa masuuliyiin iyo shacab howllo shaqo u soo doontey.

Masuuliyiinta ku dhintey qaraxyada waxaa ka mid ah wasiirka caafimaadka maamulka HirShabeelle Dr. Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Hiiran Abuukar Cabdullaahi Maadeey, xubno kale iyo saraakiil ciidan.

Taliyaha booliska magaalada Beledweyne Bashiir Xuseen Jimcaale, oo saxaafadda la hadlay ayaa ku tilmaamay qaraxyada ka dhacay Beledweyne kuwa musiibo ah, waxaana uu xaqiijiyay in dad ay ku jiraan masuuliyiin ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada halkaasoo lagu daweenayo.

Qaraxa ka dhacay Beledweyne ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya uu ka socdo howgallo ka dhan ah Al-Shabaab ku waasoo sida wadajir ah ay u sameenayaan ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category