Xubnaha gollaha degaanka Kolding oo go'aamieyey in ay safar dalka dibadiisa ugu baxaaan iyo xisbiga DF oo ka soo horjeedsadey.

RH: Hadda waxa la go'aamiyay in dhammaan golaha deegaanka ee Kolding, agaasimayaasha degmada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha ay safar waxbarasho afar maalmood ah ku tagaan magaalooyinka Jarmalka iyo Nederlaan bisha May. qiimuhu waxa uu noqon doonaa ilaa 370,000-385,000 koron. Guddoomiyaha kooxda DF-ka ayaa ka soo horjeestay safarkaas, waxaana uu ku dhaliilay saaxiibadiis in ay qorsheynayaan safar isla markaana ay qaadanayaan kayd dhaqaale oo saameynaya tiro badan oo shacab ah.


Safarka waxbarasho ayaa hadda si aqlabiyad ah lagu ansixiyay guddiga maaliyadda iyo istaraatiijiyadda, waxaana loo qorsheeyay inuu dhaco afar maalmood bisha May. qiimuhu waxa uu u dhexeeyaa 370,000-385,000 koron, waxa aanu safarkani u badan yahay in uu bas ku mari doono magaalooyin badan oo Germany iyo Netherland ah, halkaas oo sida ku cad shaxda safarka siyaasiyiinta iyo masuuliyiintu ay kusoo barandoonaan. Waxyaabo ay kamidyihiin , horumarinta magaalooyinka, isbeddelka dekedaha, xalalka gaadiidka, xalalka cimilada, hababka iskaashiga, hindisayaasha muwaadiniinta iyo calaamadaha dhaqanka.

Halka dhammaan xubnaha kale ee guddida dhaqaaluhu ay yiraahdeen HAA safarka, guddoomiyaha kooxda DF, Søren Rasmussen, ayaa si lama filaan ah u diiday safarkaas, oo uu sheegay in uusan wax niyad ah u haynin ka qaybgalkiisa.

''Waxaa yaab ah in dhamaan xubnaha golluhu farta u taageen HAA iyagoo dhanka kalena uniikinaya dhaqaalaha kala duwan ee laga madhxinayo adeega dadweynaha degmada Kolding ,Waxaan u maleynayaa inay arintani dirayso fariin xun oo aan la fahmi karin,  inaad ku adkeysato in magaaladu u baahantahay madhxin dhaqaale oo aa jarto taakuladii adeega bulshada degmada isla markaasina aad jeebada kala soo baxdo qarash aad dalka dibadiisa safar ugu baxdo , ayuu yidhi Søren Rasmussen''.

Category