Denmark: Todoba xal oo looga gudbikaro shaqaale la'aanta soo foodsaatey laamaha cafimaadka

Tani waa sida naqshadda cusubi u egtahay

1. In shaqaalaaha caafimaadka qaarkood la siiyo gunooyin dheeraad ka ah mushaharkooda, wuxuu noqon karaa qaab gunno dheeri ah oo  loogu talagalay saacadaha dheeraadka ah iyo fiidkii, habeenkii iyo maalmaha fasaxa ama gunnada sii-haynta.

2. Kooxaha kale ee xirfadlayaasha ah waa inay culeyska kaqaadaan kalkaaliyaasha . tusaale xirfadlayaasha  ka fududayn kara shaqaalaha cusbitaalka  diiqada iyo culeyska waa in la shaqaaleeyaa. Tani waxay noqon kartaa, tusaale xoghayayaasha caafimaadka, kaaliyeyaasha caafimaadka iyo caawiyayaasha ardayda kuwaas oo iyagu qori kara  diiwaanka bukaanka.

3. Kalkaaliyeyaasha ajaanibka ah waa inay awood u yeeshaan inay si dhakhso leh u helaan oggolaansho iyo deganaanshiiyo . Kalkaaliyaasha ajaanibka ah ee raba inay Danmark ka shaqeeyaan waxay sugaan ilaa saddex san mudada kiiskooda laga  baaraandagayo sida kiisaska suuxinta, gaar ahaan kalkaaliyayaasha daryeelka degdegga ah arinkaas  oo ay ka jirto gabaabsi weyn, waa in la dedejiyaa iyadoo la adeegsanayo waxa loogu yeero hawl socodsiin dhakhso ah.

4. Si looga dhigo mid soo jiidasho leh in shaqaalaha caafimaadka ee hawlgabka ah ay isbedel ku sameeyaan nidaamka daryeelka caafimaadka intii  lagu jirey xiisadda corona, dawladdu waxay go'aansatay aqlabiyadda baarlamaanka Denmark inay baabi'iso dhimista mushaharka hawlgabka 2022. Xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa kordhin doona qabanqaabadaas 2023. Ilaa 2,000 oo kalkaaliyayaal ah ayaa hadda hawlgab ah. Hadafka ayaa ah in qaar badan oo iyaga ka mid ahi ay gacan ka geysan doonaan dhimista liiska sugitaanka.

5. In ay u fududaato ardaydu inay ka nastaan ​​waxbarashada si ay gacanta uga getstaab hawshan iyaga shaqaysanaya lacagna sameynaya, Fursado ka wanaagsan waa in loo abuuraa ardayda, tusaale ahaan kalkaalisada ama waxbarashada caafimaadka, si ay u doortaan inay kordhiyaan xilliga ay  tababarka ku joogaan cusbitaalka, si ay gacan uga geystaan ​​dhimista liiska sugitaanka.

6. Suurtagalnimada in dib loo dhigo mashaariicda aan si toos ah u caawinin bukaanka. Mashaariicda cisbitaalka ee aan ku saabsanayn daaweynta iyo daryeelka bukaanka waa in dib loo dhigo. Kuwani waxay noqon karaan, tusaale ahaan, tayada iyo mashaariicda horumarinta. Haddii ay jiraan xeerar hortaagan, Social Democracy ayaa qaadi doonta sidii meesha looga saari lahaa.

7. Ka faa'iidaysiga isbitaalada gaarka loo leeyahay. Gobolladu waa in ay ka faa'iidaystaan ​​dhammaan awoodaha la heli karo ee cisbitaallada gaarka loo leeyahay si loo dhimo buunshiyaha.

Xigasho: Social Democracy

Tarjumaada Mohamed-Amiin

Category