Booliiska UK oo shaaciyay xog ku saabsan wiil Soomaali ah oo toorrey lagu dilay

London (RH)-Wiil dhalinyaro ah oo dilay arday Soomali ah oo uusan waligiis horay ula kulmin ayaa lagu helay loona xukumay dembi xakow goyn ah.

Axmednuur Nuur oo 16 jir ahaa, ayaa waxaa dhabarka toorrey kaga dhuftay Justice Will-Mamah, xilli uu ka baxsanayay rabshado ka socday agagaarka Kuliyadda Milton Keynes.

Will-Mamah ayaa ku lug yeeshay dagaal dhexmaray isaga iyo qaar ka mid ah saaxiibbada Nuur, maxkamadda Luton Crown ayaa sidaas sheegtay, iyada oo dhibbanaha lagu tilmaamay "qofka loo dilay dagaal aanu ku jirin".

Gacan ku dhiiglaha Bletchley oo 19 jir ah, ayaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Waxaa lagu xukumay in uu geystay dil bareer ah, kadib markii lagu waayay dacwadda dil qorsheysan ahayd.

Kadib xukunkii sanadkii hore, qoyska Axmednuur ayaa BBC-da u sheegay in ay ku nool yihiin riyo qarow ah, iyadoo walaashii ay sheegtay: "Wuxuu sameeyay wax kasta oo uu awoodo si uusan waligiis muran u dhex galin."

Booliiska UK oo shaaciyay xog ku saabsan wiil Soomaali ah oo toorrey lagu dilay

Hooyada Axmed iyo Qorshe Moxamed iyo walaashiis Miskey oo sheegtay in uu lahaa "hammi weyn".

Axmednuur, oo ah arday dhigta Dugsiga Sare ee Walton, iyo saaxiibkii waxa ay aadeen fasalka waqtiga qadada 11kii Febraayo 2022 saaxiibbadiisna waxa ay ku lug yeesheen dagaal ay la galeen Will-Mamah.

Maxkamadda ayaa loo sheegay in markii dhulka la dhigay uu Will-Mamah la soo laabtay mindi uu ka qaatay wiil kale.

Eedeysanaha oo tagay Dugsiga Katooliga ee St Paul, ayaa waxaa foodda looga dhuftay Jeex shub ah, waxaana dhacdadan duubtay Kaamirada CCTV ee dadka deegaanka oo daba socday Kooxda.

Axmednuur oo qofka dhagaxa tuuray aan ahayn ayaa goobta ka cararay kadib markii uu dagaalku bilowday, waxaana la sheegay in dhanka bidix ee dhabarka looga dhuftay toorrida, kadibna uu dhacay saasna ku dhintay.

Sawirka Axmed Nuur
Qoraalka sawirka,
Axmed ayaa baranayey shahaadada dugsiga sare ee heerka A

Dacwad oogaha Jane Osborne KC ayaa sheegtay in sababta loo dilay aysan caddeyn iyo in Will-Mamah uu ahaa qofka kaliya ee hubeysnaa.

Gabar ayaa ku tilmaamtay Axmednuur inuu ahaa qofka ugu nuglaa dagaalka markii kooxdu ay carartay ka dib markii mindida ay arkeen, waxayna sheegtay inuu ahaa qofka kali ah ee aan wajigiisa qarin.

Si looga yareeyo ciqaabta, Lewis Power KC waxa uu sheegay in Will-Mamah, oo dammaanad bilayska ku jiray wakhtigii dilka, uu "si dhab ah u qoomameeyey oo uu ka xumaaday".

Garsoore Lynn Tayton KC ayaa Will-Mamah u sheegtay: “Qoyska Axmednuur Nuur waxay u yimaadeen Boqortooyada Ingiriiska si ay uga baxsadaan rabshadaha ka socda Soomaaliya oo ay u helaan meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan.

"Hadda waxaa jira kala-guur xagga nolosha ah oo qoyska oo dhan ah, waxaa dhaawac ku reebay waxa aad sameysay.

"Ma jiro xukun aan ku soo rogi karo oo ka yareyn kara dhibkooda, waxaan si weyn ula socdaa inay la noolaadaan geerida Axmednuur inta noloshooda ka dhiman.

"Dhimashadiisu waxay ahayd mid naxdin leh oo soo gaartay qoyskiisa."

Xigasho: BBC

Category