Burundi oo ka hadashay khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Al-shabaab ee Ceel-Baraf

Muqdisho (RH)-Ururka Al-Shabaab oo ku hubeysan qoryo iyo walxaha qarxa ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS..

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in ku dhawaad ​​400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Xiggasho: BBC

Category