Laga bilaabo 1-da Janaayo, waxaa dhaqan gali doona sharciyo cusub oo saameyn ku yeelan kara muwaadiniin badan oo kunool Denmark. Shuruucda ugu hadal-heynta badan waxaa kamid ah waajib cusub oo ah in dadka qaata Lacagta caydha ay shaqeeyaan 37 saacadood todobaadkii.
Waajibka Shaqo ee 37-Saacadood
Yaa saameynaya?
- Dadka qaata kaalmada loo yaqaano caydha ee aan qabin caqabado caafimaad ama bulsho oo waaweyn.
- Ujeedka waa in la xoojiyo xidhiidhkooda ay la leeyihiin suuqa shaqada laguna dhiiri galliyo in ay shaqeystaan oo ay fadhiga ka kacaan.
Muxuu waajibinayaa sharciga cusubi?
- Dadka qaata lacagta caydha waa inay diyaar u noqdaan inay qabtaan shaqooyin u dhigma waqti buuxa oo ah 37 saacadood usbuucii.
- Shaqooyinkaasi waxay noqon karaan kuwo mushahar la siiyo oo loo yaqaan “løntilskudsjob,” tababarro ama hawlo kale oo ay oo ay u diridoonaan maamulada degmooyinku.
Shuriga cusub ee Hooyada iyo Aabbaha
Qaybinta usbuucyada fasaxa dhalmada:
- Hooyo kasta iyo aabbo kasta waxaa loo qoondeeyey 11 usbuuc oo fasax ah oo aan la is-dhaafsan karin.
- Usbuucyada kale ee fasaxa dhalmada waxaa loo qaybin karaa sida qoyska u urabo.
Ujeedka:
- In lagu hormariyo sinnaanta jinsiga ee suuqa shaqada.
- In labada waalid ay si siman uga qayb qaataan korinta iyo tarbiyadda ilmaha.
Radio Hormuud ayaa idiin soo tabiya had iyo jeer wararka Soomaalida Denmark iyo waxyaabaha sameynta kuleh.
Mohamed-Amiin Siyad