Faah-faahin: Dab khasaare weyn geystay oo ka kacay suuqa weyn ee Kismaayo

Kismaayo (RH)-Dab xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay, ayaa xalay bururiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo.

Dabka oo damintiisu ay saacado qaadatay, ayaa cagta-mariyay ku dhawaad 4km oo isku wareeg ah.

Hanti badan ayaa halkaasi ku bas beeshay, sida uu BBCda u sheegay gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga ee Jubaland-na.

Dabkan ayaa waxa uu ka kacay matoor shidaal loogga gadinayay booyad.

Dhanka kale ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku tilmaamay dabkani sida uu uga xunyahay dhibka soo gaaray ganacsatada hantidooda ku waayay dabka.

Xiggasho:

Category