Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka

Hargeysa(RH):-Fadhigii maanta  ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, isla markaana ay ka soo xaadireen 53 mudane .ayaa lagu AnsixiyeyXeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha,qaranka  Somaliland.

 

markii uu fadhigaasi furmay ayaa waxaa mudanayaasha laga hor akhriyay warbixintii guddida joogtada ah.

Intaas kadib waxa ay Xildhibaanada golaha guurtidu ansixiyeen, Xeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha,qaranka ee Xeer Lr.103/2022. kaas oo muran badan dhaliyay.

Waxaa ogolaaday 42 mudane, waxaa diiday 6 mudane, waxaa ka amuusay 4 mudane guddoomiyuhuna muucodayn. Sidaasi ayuuna ku meelmarey Xeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha,qaranka Jsl ee Xeer Lr.103/2022.

 

Category