Guddiga doorashada madaynaha Soomaaliya oo a magacaabay

Muqdisho (RH)-Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta iska soo xuleen Guddiga kmg ah oo maamuli doona doorashada Madaxweynaha, oo la filayo inay qabsoonto todobaadyada soo socda.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 6 xubnood oo ka tirsan guddiga waxaa iska soo dhex xulay xildhibaanada Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha ayaa magacaabay sideed ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 10-xubnood ay magacyadooda kala yihiin.

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
Xildhibaan Nuur Mustaf mukhtaar
Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey
Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
Xildhibaan Maxamed Caananuug
Xildhibaan Cumar yuusuf
Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Waxaana guddomiyaha golaha Shacabka uu sheegay in sedaxda xubnood kale ee dhiman saacadaha soo socda lagu soo dari doono

Category