Halkan ka akhriso wax badan oo ku saabsan Faa'iidooyinka qajaarka

Qajaarku waa geed jirka u leh faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, Waxaa ka buuxo fiitamiinada K, C, iyo A, waxaa kaloo laga helaa fiber iyo macdanaha potassium iyo calcium. Qajaarku 95% waa biyo sidaas darteed waxa uu jirka ka ilaaliyaa engaga.

Cabbista cabitaanka qajaarku waxay hoos u dhigtaa halista cudurka kansarka ee haweenka ku dhaca gaar ahaan kansarka afaafka ilmo galeenka iyo kansarka sambabada. Qajaarku wuxuu ka hortagaa cudurro badan, waxaana uu la dagaalamaa cayilka. Sida laga soo Dr Prachi Garg oo ku daabacday bogga PhramaEasy.

1. Wuxu yareeya Xanuunada kudhaca kalagoysyada/Isgoysyada ama lafaha: Lafa beelka (osteoporosis) waa xanuun ku dhaca lafaha, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Qajaarka waxaa laga helaa macdanaha calcium, copper, magnesium, iyo potassium kuwaas oo xoojiya caafimaadka lafaha. Cabitaanka qajaarka waxa uu ka hortagaa lafo beelka iyo cilladaha lafaha ee da’da la xiriira. Sida laga soo xigtay bogga Cleveland Clinic. Daraasad ka soo baxday joornaalka PLos Medicine ayaa lagu ogaaday in ka dib marka haweenka dhalma gooyaan uu caawiyo isticmaalka qajaarka.

2: Wxuuu ka hortagaa kansarka: Walxaha loo yaqaanno “cucurbitacins” iyo “lignans” ee ku jira qajaarka waxay ka hortagaan noocyo ka mid ah cudurka kansarka sida kan ku dhaca qanjirka manida ee borosteytka. Sida laga soo xigtay Journal of edging research and lifestyle.

3: Wuxuu dhimaa miisaanka: Qajaarku wuxuu si weyn gacan uga geystaa miisaan dhimista, waa khudaar uu qofka isku caateyn karto isagoo nafaqooyin badan oo muhiim ah ka helaya.


4. Wuxu qajaarka kaalin mug leh ka qaataa qurxina: Timaha, Maqaarka iyo Ciddiyaha.

5.Wuxu yareeya: Dhiigkarka, Kolistaroolka iyo macaanka Macaanka

6: Qajaarka wxuu sare u qaadis caafimaadka maskaxda: Qajaarka waxaa ku jirta maadada “flavonoid” oo ah lid-huriye (anti-inflamatory) awood leh oo kobcisa caafimaadka maskaxda.

Maadadani waxay wanaajisaa shaqada maskaxda waxayna kor u qaaddaa xusuusta. Sidoo kale maadadani waxay unugyada neerfaha ka ilaalisaa dhaawaca la xiriira gabowga.

Wuxuu cilmibaarayaashu sheegeen in midhahaan uu kobciyo difaaca jirka, sun saarane u yahay beerka, 100 gram oo qudaartan ahna laga helo 80 miligaraam oo Vitamin C ah.

7: Baabasiirka ayuu daawa u yahay: Qajaarku wuxuu shuuqiyaa baabasiirka, xanuunkane ka yareeyaa, markii la tumo oo la saaro kuuskuuska baabasiirka.

8: Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaataa Caafimaadka dheefshiidka: Qajaarku waxa uu qani ku yahay faybarka milma iyo biyo oo labaduba muhiim u ah dheefshiidka. Aansalataada oo lagu darsado sisin, qajaar iyo khalka tufaaxa waxay ka hortagtaa laabjeexa. Qajaarku waxa uu isku dheellitiraa heerarka pH-ka caloosha waxaana uu ka qeyb qaataa la dagaallanka calool istaagga. Cabitaanka qajaarka oo maalin kasta la cabo waxay caawisaa daaweynta boogaha caloosha

Faa'idooyinka ay xuseen cilmibaarayaasha waxaa ka mid ah in qajaarka uu yareeyo tarmidda unugyada aan dabiiciga ahayd sida kansarka, wuxuu kaloo awood u leeyahay la dagaallanka jeermisyada bakteeriyada, fangaska iyo fayraska, waxaana jirro cilmibaarayaal ku taliyay dadka qaato daawada cudurka HIV inay joogteeyaan cunista qajaarka si tarmidda fayraska u yaraado maadaama dhinacaas waxtar looga arkay.

Xigasho: BBC
 

Category