Madaxweynaha Jabuuti oo tegay Muqdisho xilli wadooyinka magaalada ay xiran yihiin

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, waxaa soo dhaweeyay wafdiga Jabuuti madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo inta badan madaxda dowlad gobolleedka.

Sidoo kale, waxaa xiran wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa kale oo xiran garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo waxaa la joojiyay duulimaadyadii ka baxayay garoonka iyo kuwa soo galayay.

Labada madaxweyne ayaa shir jaraa'id kuwada qabtey madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti ay ka codsadeen inuu yimaado Muqdisho isna uu ka aqbalay, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay xiriir fiican ay lee yihiin.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaacil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Muqdisho ayna dowladiisa ay diyaar la tahay siddii ay uga caawin lahaayeen dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo ay ku arkeen dad farxad leh.

"Walaaltinimo iyo wadashaqeen ayaa maanta sidnaa" ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Imaashiyaha madaxweynaha Jabuuti ayaa si weyn looga dareemayay maanta magaalada Muqdisho, waxaana la xiray inta badan wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Isku socodka aad buu u adkaa magaalada Muqdisho, oo waxaa la arkayay dadweyne lugeenayay.

Madaxweyne Jabuuti oo tegay Muqdisho Madaxweyne Jabuuti oo tegay Muqdisho Madaxweyne Jabuuti oo tegay Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category