Markan lacag waxbarashada u waayay ayaan guursaday balse hadda waa dhamayay dugsi sare"

Nairobi (RH)-Sabriya Ismaaciil Axmed, waa hooyo iyada iyo laba carruur ah oo ay dhashay mar qura u wada fariistay natiijo wanaagsanna ka keenay imtixaanka dugsiga sare ee Kenya.

Sabriya ayaa isaga hartay waxbarashada dugsiga sare sanaddii 1999 markaas oo ay waysay dhaqaalihii ay isaga bixin laheyd lacagta iskuulka, waxa ayna door bidday in ay ka baxdo iskuulka oo ay guursato ugu yaraan si ay qoyskeeda uga fududayso culayska kharashka iskuulka hadda curadkeeda iyo curad xigeenka ayey mar qura ka wada baxeen dugsigii sare.

Sabriya waa hooyo dhowr carruur ah dhashay sidaas oo ay tahayse guul ka gaartay waxbarashadii dugsiga sare ee 21 sanadood ka hor ay isaga tagtay.

"Markii aan ogaaday natiijada aan keenay waan u qaadan waayay sababto waxaan waxbarashada ka maqnaa 20 sannadood marka lama filaan ayay igu noqotay oo aad ayaan u farxay Alle baan uga mahad celiyay," ayay tiri Sabriya oo BBC-da u warrantay.

"Waxaan ka haray waxbarashada anigoo ah fasalka labaad ee dugsiga sare ee Qubaa ee magaalada Mombassa sabab la xiriirta kharash la'aan, waxaana go'aansaday inaan isla markiiba guursado," ayay tiri.

Dareenka Hooyo Soomaaliyeed oo afar sanno ka hor Trump ka baajiyay safarkeedii

Balse Markii ay caruurtayda bilaabeen dugsida sare ayaan anigana go'aansaday inaan ku laabto waxbarashada oo aan iyaga la sameeyo Imtixaanka guud, haddana Alxamduliah riyadaydii waa ay ii rumooday.

Sabriya oo ay BBC-da weydiisay in caruurteeda ay iskuulka u raaceysay ayaa sheegtay in iyada ay xaafadda ku baraneysay mararka qaarna ay aadeysay iskuulada yar yar ee gaarka loo leeyahay balse ay Imtixaanka guud la sameysay ardayda.

"Caruurtayda aad ayay ugu faraxsanaayeen inaan iyaga wax la barto aad ayayna ii caawinayeen intii aan hardaankaan ku jiray."

Dhanka kale Sabriya ayaa sheegtay in macallimiinta ay dhiirogelin wanaagsan ka heshay.

Waxa ay sheegtay in helida waxbarashada ay waligeed riyadeeda ahayd.

Sabriya Ismaaciil Axmed iyo carruurteeda

"Waxay ahayd wax lagu farxo inaan caruurteyda wax la barto oo aan iska kaalmeyno layliga guriga, waxaan balan ku kala qaadnay inaan si wanaagsan uga soo baxno imtixaanka," ayay tiri.

Sabriya Ismaaciil ayaa sheegtay in ninkeeda uu door weyn ka qaatay safarkeedii ay ku doonaysay inay waxbarashadeeda sii wadato oo ay dib ugu laabato iskuulka.

"Ninkaygu waa sarkaal booliis ah, markaan waxbarashadi isaga harayna isaga ayaan guursaday balse mar walbaaniga iyo caruurteyda wuxuu nagu taageeri jiray waxbarashada," ayay tiri.

Waxay u fariisatay imtixaanka KCSE-da ee Dugsiga Sare ee Newlife ee ku yaala Deegaanka Banisa, Mandheera.

"Da'du wax kale maaha ee waa tiro, waxaana kula talinayaa hooyooyinka waxbarashada niyadda uga jirto inay dib ugu noqdaan waxbarashada, noloshooduna way isbedeli doontaa," ayay tiri

Dhanka kale ardaygii ugu wanaagsanaa ee ismaamulka Mandera waxa uu ahaa Mohamed Khalif Noor oo ka socday dugsiga sare ee Mandera oo celcelis ahaan helay A minus.ay oo  ka dhacday xarrunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay Sanatar Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo xilkan hayay shantii sanno ee la soo dhaafay.
 

Xiggasho: BBC

Category