Maxaad ka taqaanaa dalka yer ee xuubsiibtay ee Jabuuti?

Dublin(RH)-Marka aad maqashid Jabuuti waxaa kugu soo dhacaya dal yar oo marka laga tago sokeeyenimada aanan sidaas muhiim uga sii ahayn dunida. Balse marka aad hoos u dhuuxdid aad fahmaysid waxyaabo aad kuu yaab galiya. 

Maalin kasta waxaa dekedaha Jabuuti iyo marinbiyoodyada mara 60 markab oo xamuul ah. 

Waxaa kale oo ay marin u tahay 4.6 bilyan oo barmiil oo shidaalka sifeysan iyo kan cayriin ee dunida. 

Tani waa sababta loogu naaneeso Qaranka Kaalinta Shidaalka ah ( Gas Station Nation). 

Waxaa ku yaala 9 xarumood oo caalami ah oo laga maamulo dhagaatiyada internetka dunida. 

Waxaa ku taala hal xarun oo caalami ah  oo laga hago xogaha dunida iyo macluumaadka macaamiisha shirkadaha waaweyn. 

Waxaa ku yaala saldhigga kaliya ee rasmiga ee ciidan ee Maraykanka ku leeyahay Afrika. Japan iyo Shiinaha ayaa iyaguna ku leh saldhigyada kaliya ee ku yaala meel ka baxsan dalalkooda. 

Waa dalka laga daadgureeyo dadka ajaaniibta marka ay rabshadaha ka dhacaan dalalka Afrika iyo xitaa kuwa Carabta. 

Jabuuti waxaa ku yaala iskuulka caalamiga ee garsoorka adduunka. Waxaa kale oo ay xarun u tahay Urur goboleedka IGAD , taas oo dalkan u sahashay in uu yeesho galaangal weyn oo dhanka dublumaasiyadda ah.

W/Q: Cabdinaasir Axmed Bashiir 

Saxafi ku sugan Dublin, Ireland

Category