Raysal Wasaare Xamse oo isku shaandheen ku sameeyay golaha wasiirada XFS

Muqdisho (RH)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah magacaabay xubno cusub oo ay ka mid noqon doona golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ku jira arrimaha gudaha, amniga, iyo arrimaha dibadda.

Qaar ka mid ah xubnaha la magacaabay

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo magacaabay  Axmed Macalin Fiqi, wasiir Fiqi ayaa hotray u soo ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda.

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Gen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Farataag ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo loo magacaabay C/llaahi Bidhaan Warsame.

Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha ayaa Maxamed Aadan Macallin u magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay iyadoo maalmo ka hor golaha wasiirada ay dib u magacaabeen Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Dad badan ayaa ku tilmaamay magacaabistan in ay la xiriirto ballan qaadyo loo sameeyay xildhibaannada meel mariyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka oo dhawaan uu qalinka ku duugay wax ka baddelkiisa madaxweynaha.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category