Sawir qabsaday baraha bulshada

Addis Ababa (RH)-Baraha bulshada waxaa la iska dhex marayaa sawir ay wada qoslayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Sawirkan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay isku baddeshay oo muddo ka badan lahyd Itoobiya waa cadowga ugu wayn ee Soomaali lee dahay.

Sawirkan ayaa yimid iyadoo maalintii labaad magaalada Addis Ababa uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dal ayaa Sabtidii shaley ku dhawaaqay in ay kor u qaadayaan xiriirkooda laba geesoodka ah gaar ahaan xagga diblomaasiyadeed, sida ay labada dal ku shaaciyeen warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Heshiiskan ayaa daba socday soo dhawayntii diiranayd ee uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed u sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo madaxdu ay yeesheen wadahadallo heer sare ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo wax ka qabashada arrimaha mudnaanta leh.

Bishii Abriil 2024, Soomaaliya waxay eriday safiirkii Itoobiya iyada oo uu jiro murankii heshiiska dekedda Somaliland, waxayna xirtay qunsuliyadihii Addis Ababa ee Hargeysa markii ay xiisaddu cirka isku sii shareertay, ilaa khilaafka lagu xalliyo Bayaankii Ankara ee uu Turkigu dhexdhexaadiyay.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in safaradooda diblumaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan shirarka dhinacyada badan leh iyo kuwa gobolka ee khuseeya danaha ay wadaagaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Iyagoo ku celcelinaya sida ay uga go'an tahay Baaqa Ankara, waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo wada-xaajoodyada farsamo ee ku xusan heshiiska.

Madaxweyne Xasah Sheekh ayaa maanta oo Axad ah booqday taallada Adwa monument oo ah taallo loo dhisay guushii ay Itoobiya ka gaartay dagaalkii Talyaaniga ee 1896.

Baaqa Ankara

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu Turkiga wadahadal dhex dhexaadin ah uu martigaliyay si loo xalliyo khilaafaadyadii soo jireenka ahaa ee labada dal.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa ku taamaya siddii uu bad uga heli lahaa xeebaha Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category