Sawirro: Wafdi ka socda ONLF oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan si weyn ugu soo qulqulaya wafuud heer caalami ah oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo berri oo Khamiis ah ka dhaceysa xeradii hore ee ciidamada cirka Afisyooni ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga ONLF waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay, wasiirka amniga Soomaaliya Cabdillaahi Maxamed Nuur iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ONLF ka yimid waxaa hoggaaminaya Cabdi Mahdi, oo ah madaxa ururka ONLF, waxaana ay ka qeybgali doonaan munaasabadda caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee Xasan Sheekh Maxamuud oo berri ka dhaceyda Muqisho.

Dhinaca kale, garoonka diyaaraha Muqdisho ee Aadan Cadde waxaa maanta ka jira mashquul aad u ballaaran, waxaana ka soo dagaya madax fara badan oo ka socda waddamada dariska sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya kuwaasoo ka qeybgalaya caleema saarak Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada cisho ee la soo dhaafay waxaa magaalada soo gaaray wafuud kale oo caalami ah oo ka socda waddamada saaxibka la ah Soomaaliya,Kenya, Jabuuti, Yemen, Indonesia, Oman, Uganda, wakiilo ka socda QM, Midowga Afrika, Mudowga Yurub iyo ururka iskaashiga islaamka ee OIC.

Wafuuda ka timid ONLF ee soo gaartey MuqdishoWafuuda ka timid ONLF ee soo gaartey MuqdishoMadaxweyne ku xigeenka South Sudan oo soo gaaray Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category