Somaliland Oo laga Daah-furey Bandhiggii 15-aad ee Buugaagta Hargeisa International Book fair

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa si rasmi ah looga Daah-furey Bandhiggii 15-aad ee Buugaagta Hargeisa International Book fair .

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa daah-furay bandhigga 15-aad ee Buugaagta Hargeysa ee Hargeisa International Book fair .

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland , ayaa dhallinyarada reer Somaliland ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan akhriska iyo qoraalka, isaga oo madaxda hawshan gacanta ku haysana ku bogaadiyey dedaalkooda ku aadan horumarinta akhriska iyo qoraalka .

 

Category