USA. Hooyo caruur yaryar oo ay dhashey inta ay guri kusii xidhey dalxiis aadey.

RH: Bilowgii Abriil, hooyo ayaa ka tagtay labadeeda carruur si ay ugu baxdo dalxiis markab lagu qaadanayo.

Sidaas ayaa lagu eedeeyay dacwad uu soo gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee magaalada Houston ee gobolka Texas, Mareykanka.

Bishii Abriil 4-teeda, deriska ayaa arkayey haweeney 29 jir ah oo ka baxaysa gurigeeda iyadoo wadata shandado.

Laakiin markii derisku aysan arkin haweeneyda oo soo noqotay, mana arkin carruurteeda, waxay ku wargeliyeen laamaha ammaanka.

Deriska walwalka qabay ayaa codsaday in la hubiyo xaaladda labada carruur ee haweeneyda, sida uu qoray ABC News.

Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadatey shan maalmood ka hor inta aysan booliisku imaan guriga.

Booliiska ayaa ka fajacey wixii ay ku arkeen guriga dhexdiisa, waxay ku arkeen wiil 8 jir ah iyo gabar 6 jir ah oo keligood jooga.

Sida lagu sheegay dacwadda oo warbaahintu tixraacday, booliisku waxay diiwaangeliyeen in gurigu "si buuxda u qasnaa," qashinka iyo cuntadana meel kasta daadsan yihiin, iyagoo sidoo kale xusay "ur xooggan oo ka imaanaysay kaadida caruurta."

Carruurta yaryar ayaa booliiska u sheegay in hooyadood fasax ku maqan tahay, ayna garanayn goorta ay soo noqon doonto.

Waxay sidoo kale sheegeen inay hooyadood la socon jirtay iyada oo adeegsanaysa kaamirada fiidiyowga, waxayna kala hadli karaan iyadana fiidiyowga, sidoo kalena wiilka ugu weyn wuxuu lahaa telefoon uu fariimo qoraaleed ugu diri karo.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka ma xaqiijin karin in wax dad ah oo waaweyn ay ku sugnaayeen guriga tan iyo markii haweeneyda 29 jirka ah ay baxday.

"Carruurta waxaa si cad looga tegay kormeer la'aan muddo maalmo ah waxaana la geliyay khatar aad u weyn," ayuu yiri dacwad oogaha guud Keegan Childers oo la hadlay ABC News.

Hadda, xeer ilaalinta ayaa dacwad ku soo oogaysa haweeneyda 29 jirka ah, oo Khamiistii la xiray kana soo muuqan doonta maxkamad Isniinta magaaladeeda.

Labada carruur ah ayaa hadda lagu wareejiyay laamaha daryeelka caruurta la dayacey.

 

sawirku maaha kii saxda ahaa ee sheekadan

Category