Waa imisa tirada ragga maanta lagu toogtey Gaalkacyo?

Gaalkacyo (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ee Puntland ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo.

Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.

“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaaladaGaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada.

ISHA: BBC

Category