Xaawo waxay dul taagneyd wiilkeeda markii uu geeriyooday

Ka dib labo maalin oo uu ku jiray isbitaal yar oo ku yaalla Soomaaliya Cabdiwali Cabdi ayaa u muuqday mid ka soo kabanaya nafaqo-darro uu la daalaa dhacayay.

Wiilkan labo jirka ah ayaa waxaa uu miisaankiisu ahaa 4.6 garaam, oo aan wax weyn ka badnayn miisaanka canug hadda dhashay, balse markaas tamar ayuu lahaa.

Waxaa sariirtii isbitaalka uu ku jiifay garab fadhiyay hooyadiis Xaawo. Isbitaalka ayaa waxa uu ku yaallaa magaalada xudduudda ku taalla ee Doolow.

Xaawo oo nuujineysa gabadheeda oo hal bil jirta ayaa ku rajo weyneyd in iyada iyo wiilkeeda oo caafimaad qaba ay dib ugu soo laabtaan xero ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barakacay oo ku taalla duleedka magaalada.

Xaliima Maxamed oo ah kalkaaliso Kenyan ah oo ka howlgasha isbitaalka ayaa sheegeysa in qeybteeda keliya ay ku hayso 17 carruur ah oo nafaqo-darro iyo xanuunno kale la daalaa dhacaya.

“Ma haysanno cunto aan siinno, balse dariskayaga ayaa ina caawinayay, ayay tiri Xaawa oo 22 sano jir ah oo si dhow u eegeysa wiilkeeda. “Muddo toddobaadyo ah ayuu sii daciifayay, waxaana isugu darsamay qandho iyo shuban."

Isbitaalka oo ku yaalla magaalada Doolow oo ku taalla Koonfur-galbeeed Soomaaliya ayaa waxa uu in muddo ahba caawinayay carruurta sida Cabdiwali oo kale ah. Waxaa maal-geliyay dowladda UK iyo hay’ado kale.

Waa xilli roobaadkii shanaad ee guuldarreysta, magaalada Doolowna waxa ay la liicliiceysaa barakacayaal cusub oo soo gaaray, kuwaas oo rajeynaya inay helaan cunto iyo ammaan.

Markii la gaaray habeenkii, xaaladda Cabdiweli waa ay ka sii dartay. Subixii dambe abbaare 9-kii, heerkulkiisa ayaa aad hoos ugu dhacay, kaddibna labo dhaqtar oo Soomaali ah ayaa waxa ay ku duubeen buste kulul. Sariir aan sidaas uga fogeyn waxaa jiifa canug 18 bil jir ah oo isagana daweyn degdeg ah ay ku socotay.

Cabdiwali
Cabdiwali aabbihii oo la yiraahdo Kerad Aadan ayaa yimid isbitaalka, waxa uuna ku wareeganayay sariirta uu wiilkiisa jiifay weliba isagoo naxsan.

Ka hor abaartan cusub xaaladda nololeed ee qoyska Xaawa aad ayay u wanaagsanayd. Waxay haysteen 4 carruur ah 40 sacaad iyo guri cooshad ka sameysan oo ku yaallay meel u dhow magaalada Qansax-dheere oo 200 oo kiilomitir koonfur uga beegan Doolow.

Xaawo iyo seygeeda 

Durbadiiba dhaqaatiirta ayaa isku hareereeyay Cabdiwali. Mid ka mid ah ayaa waxa uu labadiisa far ku riixay wadnahiisa si uu ogaado dhaqdhaqaaqa wadnaha. Dhaqtar kale ayaa aad ugu soo dhawaaday Cabdiwali waxa uuna eegay indhaha Cabdiwali oo dhaq-dhaqaaq laga waayay. Labadiisa waalid waxa ay taagan yihiin qeybta dambe ee sariirta iyaga oo ka dhursugaya jawaabta dhaqaatiirta ee wiilkooda.

Ka dib abbaare 10:13 ee subaxnimo, Cabdiwali waa uu geeriyooday.

Cabdiwali hooyadiis oo daawanaysay wiilkeeda oo naf-baxaya ayaa markaas ka dib inta ay sariirta dhinac ka fariisatay ayay oohin afka furatay.

“Aad ayay u xanuun badan tahay inaad goob-joog u ahaato arrin xanuun badan oo si fudud looga hortagi karo oo la sixi karo,” ayuu yiri Cali Shuceyb oo ah dhaqtarka ugu sarreysa isbitaalka.

Waxaa markiiba isbitaalka la keenay gaari amblaas ah oo lagu qaaday meydka Cabdiwali si loo soo aaso.

Ugu dambeyn Cabdi wali waa la aasay, waxaana dadku ay u tacsiyeeyeen Xaawa, iyagoo u sheegayay in qof kasta uu dhiman doono, sidaa darteed ay samirto.

Xigasho: BBC

Category