Xukuumada Jsl Oo Daah-furtey Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda.

Waxana kulankaasi kasoo qaybgalay shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, xildhibaano, Maayarada magaalooyinka, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, dhalinyaro ka kala timi gobolada dalka, qaybaha bulshada iyo marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland khadar Ibraahim oo sharaxay maraaxilkii kala duwanaa ee sanduuqani soo maray. Intaa kadib waxa hadalka iskaga kala dambeeyay wasiirada maaliyada ,ciyaaraha ,madax ka kala socotay ururada bulshada rayidka  ah ee Somaliland ee ay wada shaqaynta leeyihiin sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Maayarka Caasimada Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey Afka Maayarada Dalka, Gudoomiyaha Sonyo, Mudane Bedri Xasan Muxumed, agaasimaha Fulinta Nagaad, marwo Nafiisa Yuusuf, Mr, Simon Strachan oo ku hadlayey Afka Un-ka, oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada iyo faa’iidada uu sanduuqaasi u leeyahay dhalinyarada iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa madasha soo xidhay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiirigeliyey dhammaan cid kasta oo gacan ka geysan karta arrinta sanduuqa inay qayb weyn ka qaataan sidii looga midho dhalin lahaa ujeedada sanduuqa laga leeyahay, waxaanu madaxweynuhu goobta kaga dhawaaqay $300,000 oo ahayd lacagtii ka dhinayd dhaqaajinta sanduuqa, si loo dhamaystiro 1M oo doolar oo aas-aas u ahayd in lagu dhaqaajiyo sanduuqaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo u mahad naqay cidkasta oo ka soo qeyb qaadatay agaasinka sanduuqaasi wuxuuna yidhi Madaxweynuhu“Aad iyo aad baan u boggaadinayaa wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo wasaaradaha kale ee ka qeyb qaatay maanta inay soo diyaariyaan daah-furka maalgashigii la maal-gelinayey sanduuqa dhalinyarada Somaliland, aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa ciddii kasoo hawl-gashay, ciddii wax ku tartay dhaqaale ahaan, tallo ahaan  waan soo dhaweynayaa waanan ku boggaadinaya dhalinyarada Somaliland ee sanduuqaa in badan ka shaqaysay siduu u hirgeli lahaa”.

Madaxweynaha ayaa maayirada faray inay dhalinyarada  u diyaariyaan mustaqbal wanaagsan “Dawladdu dhammaanteed dhaqaalihiisa in la kordhiyo maamulkiisa in la wanaajiyo in hareeraha layska taago, waayo hiigsigeenu waxaa weeye mustaqbalka dalkeena iyo dadkeena soo koraya oo maanta duruufaha adag ee caalamka oo dhan, geeska Africa iyo Soomaalida haystaa, inaynu ka bad baadino mustaqbalka, taa waxaynu ku gaadhaynaa in maal-qabeenka, aqoonyahanka intii dawlad ku shaqo leh, dawladaha hoose aan farayo inay xil weyn iska saaraan dhalinyarada, dawladaha hoose waxay hayaan laf-dhabartii nolosha, dhalinyarada maanta si uu qofku dhul u helaabaa adagba markaa waxa aad siyaasada dhulka ku dartaan maayiradow in la daryeelo dhalinyarada mustaqbalka in waxyaalo badan loo fududeeyo, marka danta guud iyo dhulka la qiyaasayo kuwa mustaqbalka leh ee fara-madhan inaad u diyaarisaan baan idin farayaa”.

Category