Xukuumadda Somaliland  War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Xaalada Laas-caanood

Hargeysa(RH):-Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada, ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabashada shacabka gobolka sool.

Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasaha.

Wasiirada ayaa sheegay in ay taageersanyihiin baaqii kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada, ee magaalooyinka bariga, sida uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore War-saxaafadeed ay soo-saareen

ssqdgf

 

Category