Maxay ahaayeen raggii ku labisnaa macawisaha ee lagu arkay Hargaysa?

Hargaysa (RH)-18-ka Bisha May sanad walba waxaa gudaha magaalooyinka Somaliland iyo dalalka dibada lagu qabtaa xusas ballaaran oo lagu maamuusayo asaaskii Jamhuuriya Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Soddon iyo afar sanno oo ka soo wareegtay markii la asaasay Somaliland waxay ka mid tahay meelaha gobolka Bariga Afrika ee ay ka hirgaleen ammaan adag iyo doorashooyin dadweynuhu soo doortaan madaxdooda.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo madaxdii hore ee soo hoggaamisay Somaliland oo uu ka mid ahaa madaxweynihii xilka ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wadajir ugu qayb galay musaabad ballaaran oo lagu xusayey asaaska markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka baxday Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dalalka dunida in ay tixgeliyaan aqoonsiga Somaliland doonayso.

Madaxweyne Cirro oo khudbad ka jeediyey xuska maalinta 18 May ee Somaliland ku dhawaaqday gooni isu-taaggeeda, oo maanta guud ahaan laga xusay deegaannada Somaliland, ayaa sheegay "in ay Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax bannaan, isla markaana ay adduunku garowsado in Somaliland dal u aqoonsadaan."

Soddon iyo afar sanno oo ka soo wareegtay markii la asaasay Somaliland

Xigasho: BBC

Category