Somaliland oo xukun ku riday askari dilay gabadh aroosad ahayd

Hargeysa (RH)-Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa xukun dil ah ku riday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo loo haystay inuu toogasho ku dilay haweenay da' yar oo aroosad ahayd.

Saalax Bullaale Jaamac ayaa lagu riday xukun dil ah,ka dib markii uu qirtay dilka Najma Cabdillaahi Maykal oo ka shaqeynaysay wasaaradda beeraha ee Somaliland, waxayna xoghayn u ahayd agaasimaha beeraha.

Xiggasho: BBC

Category