Xukun dil ah oo lagu fuliyay ninkii Baydhabo ku dilay Haweeneydii Ganacsatada ahayd

Baydhabo (RH)-Warrarka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu dilay haweeney ganacsato ahayd kadibna uu ku riday boosaneer gurigiisa ku yaala.

Maxkamadda Gobolka Bay ayaa dil ku xukuntay Maxamed goomey kadib markii uu si ula kac ah u dilay Aamina Malaaq Mukhtaar.

Aamina ayaa la waayay galabtii Jimcaha, waxaase Axadii meydkeeda laga helay boosaneer ku yaala xaafad ku taala Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay.

Dilka ninka dambiga dilka ah lagu helay ayaa ka dhacay meel fagaare ah, waxaana joogay boqollaal qof oo ah dadka degan Baydhabo.

Xiggasho: BBC

Category