Muxuu ka doonay Xasan Sheekh dalka Tanzania?

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, waxanaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeysay wasiirka ganacsiga Tanzania,Marwo Ashuta Kijaju.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgali doona shirka 22-aad ee madaxda ururka Bariga Afrika.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Soomaaliya, madaxwyene Xasan Sheekh ayaa taageero u raadin doona in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay ururka Bariga Afrika (EAC).

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

Urur gobolleed EAC, ayaa xarun u ah magaalada Caruusha ee Tanzania, waxaana la dhisay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay kuwaasoo kala ah Tanzania, Kenya, Uganda, Jabuuti, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgali doona shirka 22-aad ee madaxda ururka Bariga Afrika.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu

Category