37 Saacadood kadib ayaa la helay meydka wiilkii uu ku dumay god dahabka laga qodo

Milxo (RH)-Wararka ka imaanaya deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in ka badan 35 saac kadib in la soo saaray meydka wiil dhallinyaro ah ku jiray god dumayd oo laga qoto dahabka.

Wiilka meydkiisa la soo helay ayaa ka mid ahaa lix wiil oo godka ka qodanayay dahabka kuwaasoo ka badbaaday shilkan.

Ninka dhigay oo magiisa lagu sheegay Maxamed Siciid ayaa godka uu ku dumay saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay, waxaana tan iyo xilligaas socday gurmad ay sameenayaan dadka deeganka bal si loo soo badbaadiyo.

Nasiib darro, dadka deeganka oo muddo ku howlanaa siddii ay u soo saari lahaayeen wiilka godka ku jira iyagoo isticmaalaya qalabka ay heli karaan,ayaa maanta barqadii waxa ay soo saareen meydkiisa. mana jirin wax gurmad ah oo ay ka heleen dowladda iyo maamulka gobolka Sanaag.

Goobta uu wiilkan ku dhintay ayaa ah meelaha laga qodo dahabka ee ku yaalla gobolka Sanaag, waxaana mararka qaar dadka qodo dahabka ay la kulmaan shilal noocan oo kale ah.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category