Denmark: Maanta laga bilaabo waxaa mamnuuc ah in magaalooyinka qaar lagu dhex wato baabuur duug ah oo naafto ah

RH:  Laga bilaabo maanta  lama ogola in aad baabuur ku gasho aaga deegaanka ee afarta magaalo ee ugu waa wayn wadanka Denmark hadii gaadhiga aad wadato ee  naaftada la soo saaray ka hor 2011 oo aanu lahayn filter particle ( ama shaando wasakhda ka sifeynaysa hawada).

taa waxaa ka dhalanaya in ay hawada nadiifowdo ama wasakhdu ka yaraato iyo kiisaska xanuunka kansarka oo la rajeynayo in ay yaraandoonto. Siyaasiyiinta Odense, Aalborg, Aarhus, Kobanheegan iyo Frederiksberg ayaa go'aansaday in la adkeeyo xeerarka deegaanka ee baabuurta naaftada, si loo yareeyo wasakhowga hawada bartamaha magaalooyinka waaweyn.

Taas macneheedu waxa weeye, mar kasta oo aad ku dhex waddo aagga deegaanka ee gobaha aan kor kusoo sheegnay , adigoo wata baabuur duug ah oo aan lahayn shaandhada nadiifinta naaftada, waxaa kugu dhacaya   ganaax dhan 1500 koron.

Odense, xildhibaanka cimilada iyo deegaanka, Tim Vermund (S), wuxuu sharxayaa in aagagga adag ee deegaanku ay yihiin tallaabo loo qaaday jihada saxda ah si loo xaqiijiyo hawo nadiif ah. - Baabuurta duugga ah ee naaftada ah waxay sii daayaan qaybo yaryar wasakh ah oo badan oo gala sambabkeena oo sababi kara kansarka sanbabada.

Markaa in la nadiifiyo hawadeena aad bay muhiim u tahay, si deegaanka aanu ku hareeraysannahay aanay  noogu sababin kansar oo aanaynu ugu  bukoon, ayuu yidhi.

Saaxiibkiisa degmada Aalborg, Jan Nymark Rose Thaysen (V), oo ah xildhibaanka degmada iyo iyo baarlamaankaba, ayaa sidoo kale aaminsan inay bixinayso faa'iido muuqata.  wasakhowga hawada ayaa sabab u ah dad si degdeg ah ugeeryooda sannad kasta.

Waxaan haynaa xaqiiq muujinaysa arintaas , waxa uu intaas raaciyey in Aalborg aad ka heli karto faa'iido dhaqan-dhaqaale oo dhan ilaa 100 milyan koron oo arintan lagu dhiirigallinayo.

Markaa waxa jira doodo badan oo caafimaad iyo xirfadeed oo wanaagsan oo lagu soo bandhigayo aaggan deegaanka, ayuu yidhi Jan Nymark Rose Thaysen.

Category