Denmark: Maamulayaasha iskuulada oo soo dhaweeyey hindisaha waxkabadalka iskuulada

RH: Dawladda Denmark ayaa todobaadkan soo bandhigtay  qorshaheeda ku aaddan sidii dugsiga hoose u eekaan lahaayeen  mustaqbalka.

Qorshuhu wuxuu ka kooban yahay 35 hindise, oo u dhexeeya maalmo dugsi oo gaaban iyo arday badan oo loo tababari doono  inay noqdaan wakiillada deegaanka waxbarashada.

"Waa barnaamij hami weyn leh, guud ahaanna aad ayaan ugu qanacsannahay," ayuu yiri guddoomiyaha ururka maamuleyaasha dugsida dawlada Claus Hjortdal.


Laakiin waxa kale oo uu tilmaamay, in ay dawladdu  ka taxadirto in qorshuhu aanu ku dhammaankarin si dhakhso  ah, inkastoo raisalwasaare Mette Frederiksen (S) ay marar badan diiday, in dibuhabayn lagu sameeyo  nidaamka iskuulada hadana maanta waa qoshe ay taageersantahay .

"Haddii dhammaan qodobbada lagu fuliyo sannad gudihii, waa culeys, Mana xamili karno dib u habayn kale oo dugsi", ayuu yidhi Claus Hjortdal.

"Laakin haddii qodobbada lagu soo bandhigo jidka loo marayo dibu habeynta , taasi waa arrin kale oo wanaagsen".

Maamuleyaasha dugsiyadu waxaa  fuuleysa masuuliyad weyn

Qorshaha cusub, Claus Hjortdal wuxuu rajaynaya in dugsiga hoose ee mustaqbalka uu " badali doono jihada iyo  in uu ka dhigi doono iskuulada hoose dhexe  mid ay jeclaadaan ardeydu la qasadaan isbadalka  oo aaney ka dhicin laqabsiga jidwadlka cusub ee la sameyndoono".

Waxa uu ku faraxsan yahay in xukuumaddu ay ka hadasho sidii loo xoojin lahaa  dugsiyada daweynaha ee  hoose dhexe iyo in wax-barashadu noqoto mid tayo leh oo  la taaban karo. Laakiin waxa kale oo u muuqda tiro badan oo hawlo cusub ah iyo masuuliyado nidaamkan cusub ka ratibmaya oo fuulidoona garbaha maamulayaasha iskuulada.

"Waxaan mar kale fahansanahay in uu jiro  hawlo tiro badan oo fuulidoontaa maamulayaasha , iyada oo aan meesha laga saarin wax isku miisaan ah," ayuu yidhi Claus Hjortdal.


Gudoomiyaha Macalimiinta: Dawladdu way iska indha tiraysaa dhibaatada ugu wayn ee dugsiga hoose haysata
Waxa uu tilmaamay, waxyaabo kale, in manhajka cusub ee junior master-ka, kaas oo ardayda ka soo baxda dugsiga ay aadi karaan dugsiga saddex maalmood usbuucii oo ay ku soo qaataan tababar shaqo oo shirkad ah labadii ugu dambeeyay, waxay u baahan tahay iskudubarid ballaaran oo ka dhexeeya dugsiga, waalidiinta iyo shirkadaha maxaliga ah.

Hirgelinta maadada fahamka tignoolajiyada iyo maadado kale oo door ah oo la rabo in lagu daro qorshaha iskuulada mustaqbalka inkasta oo xilliga iskuulka la soo gaabin doono iyo in laga rabo maamulayaasha in ay  gacan uga geystaan ​​sidii loo hubin lahaa waxbarid la taaban karo oo tayo leh iyaga oo kaashanaya gudida waallidiinta iskuulka.

 

Category