Denmark: Hishiis taariikhiya oo mushaharka loogu kordhinayo shaqaalaha dawlada

RH: Heshiiskan oo ku kacaya maalgelin dhan 6.8 bilyan DDK oo loogu talagalay mushahar kordhinta kooxo xirfadeed kala duwan oo ka tirsan adeegga bulshada. Korodhkan mushaharka waxa uu ku soo beegmayaa kor u kaca qorshaysan ee ka imanaya wadahadalada heshiiska soo socda.

Kooxaha diiradda lagu saarayo korodhkani mushaharka waa kooxo xirfadeed aad dalku ugu baahanyahay shaqaale la'aani ku dhacdey, waxaa kamid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka, caawiyeyaasha waayeelka iyo caafimaadka, barbaariyayaasha, iyo waardiyaasha  xabsiyada.

Kooxahani waxay filan karaan korodh dheeraad ah oo mushaharkooda ah sanadaha soo socda. Intaa waxaa dheer, heshiisku wuxuu sidoo kale ku lug leeyahay gunno dheeraad ah oo loogu talagalay kuwa ka shaqeeya beddelka ( Vikar), gaar  ahaan daryeelka waayeelka iyo qaybta caafimaadka, iyo dhiirrigelinta shaqooyinka waqtiga buuxa ee qaybta adeegga bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Guud ee Shaqaalaha, Morten Skov Christiansen, wuxuu tilmaamay muhiimada taariikhiga ah ee heshiiska iyo doorkiisa ka dhigaya shaqada gudaha adeegga bulshada mid soo jiidasho leh. Waxa kale oo uu xusay in heshiiska si degdeg ah loo hirgelin doono marka loo eego qorshihii hore.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladu kamay madhneyn caqabado, gaar ahaan wadaxaajoodyada ka dhan ah dowladda ee ku saabsan waqtiga shaqada iyo siyaasadda da'da. Intaa waxaa dheer, waxaa jiray dood ku saabsan sida ugu wanaagsan ee  mudnaanta loo siin karo kharashaadka dadka shaqaalaha ah ee dowladda.

Heshiiska saddex geesoodka ahi wuxuu sidoo xiiso u leeyahay waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee si gaar ah ugu talagalay kordhinta mushaharka si looga hortago caqabadaha qorista ee qaybta adeegga bulshada.

Qayb ka mid ah heshiisku waxay diiradda saaraysaa xoojinta iyo horumarinta moodelka Danishka ee qaybta dadweynaha. Tani waxay ku jirtaa aasaasidda guddi cusub korjoogtaynaya si loo taageero dhinacyada heshiiska iyo ballanqaadka in laga wada hadlo arrimaha xaqiijinaya in moodelka Danishku sii ahaado mid ku habboon isbeddelka bulshada.

Guud ahaan, heshiiskan saddex geesoodka ah waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maqaamka Denmark ee dal hoggaamiye u ah shaqaalaha iyo in la ilaaliyo moodelka shaqada iyo shaqaalaha  ee dalka.

Category