Kolding: NIN BOOLIISKA BAASTOOLAD ULA SOO BAXAY OO LA XIDHAY.

RH: Talaadadii shalay  nin 56 jir ah, oo uu hore uyaqaaney  booliisku ayaa loogu yeedhay si uu u yareeyo buuqiisa, laakiin markaas ayay xaaladdu faraha ka baxday.

Hadda waxaa lagu soo oogay eedo la xiriira hanjabaado uu u jeediyay booliiska. Hawsha laftigeeda aad bay u fududayd, laakiin waxay ku dhammaatay xarig iyo dhageysi maxkamadeed.

Subaxnimadii Talaadada, abbaaraha todobada subaxnimo, ciidamo ka tirsan Booliiska Sydøstjylland ayaa si degdeg ah loogu diray dukaanka Netto ee ku yaal Jernbanegade, Kolding, halkaas oo laba nin iyo ey weyn ay wateen ku soo bandhigayeen qaylo iyo hanjabaad dadku dhibsadey.

  • Waxay ka qaylinayeen wadada , eyguna wuxuu noqday mid  kacsan oo ciyaya. Tani waxay abuurtay cabsi dadka halkaas joogay, sidaas darteed ayaan u aadnay inaan joojinno. Waxaana halkaas ka dhacay wax aan laga filayn, ayuu yiri Martin Frandsen, komishaneerka booliiska ee Sydøstjylland.

  • Markii booliisku ka codsadeen labada nin inay is dejiyaan, xaaladdu si xun ayay isu rogtay. Si lama filaan ah, mid ka mid labada nin ee  rabshadaha waday oo ahaa 56 jir ay horey u yaqaanay booliisku - wuxuu la soo baxay  bistoolad oo uu ku jeediyay booliiska. Xaaladdu markaas ayay sii xumaatay.

  • Markaas ayaan annaguna hubkeenna soo bixinnay oo ku guuleysannay inaan xakameyno. Wuxuu tuuray bistooladdii, markaas ayuu is dhiibey oo aanu xakameynay  ayuu yiri Martin Frandsen.

Booliiska ayaa ogaaday in bistooladda uu 56-jirka ku hanjabay ay ahayd mid been abuur ah oo aad ugu eg midda dhabta ah.

mid kamid ahaa labadii nin  ayaa ka badbaaday xabsi Si kastaba ha ahaatee, Ha ahaatee 56-jirkan baastoolada la baxay ayaa noqday kii kaliya ee laga xiray labadii nin ee rabshadaha waday, waxaana lagu soo oogay eedeymo la xiriira hanjabaad uu u jeediyay booliiska. Eedeymaha ayaa sii kordhay markii, ka dib wareysi laga qaadey ee loo qaaday xabsiga Vejle, halkaas oo uu ku sugnaa ilaa Talaadada galabtii oo lagu soo bandhigi lahaa dhageysiga maxkamadda ee Kolding.

  • Markii uu gaaray xabsiga, wuxuu hanjabaad iyo aflagaado u jeediyay kooxdii booliiska ahayd.
  • Ma doonayo inaan faahfaahin ka bixiyo waxa uu yiri, laakiin sidoo kale arrintaas ayaa lagu soo oogay, ayuu yiri Martin Frandsen.

Dhageysiga maxkamadda ayaa la qabtay Talaadadii shaly galabtii saacadu markay ahayd 15:00, laakiin kuma uusan dhammaan sidii booliisku rajeynayeen.  Ninkii 56-jirka ahaa lama xirin, ee maxkamadu way siii deysay.

 

Category