Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la kulmay Cabdikariin Qalbidhagax

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha xaley la doortey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo horrey u ahaa sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF.

Cabdikariin ayaa maalmahan ku sugnaa Muqdisho oo ay ka socotay doorashada Soomaaliya ee dib uga dhacday xilligeeda sannad iyo bar, laakin xaley la doortey ugu dambeen madaxweyne Cusub.

Qalbidhagax ayaa sannadkii 2018-kii waxaa dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay xukmaddii Ethiopia.

Dhinaca kale, madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortey xilkaas kadib markii uu si weyn uga guulaystay madaxweynaha haatan xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareega saddexaad oo ay labada madaxweyne ku tartameen, ayaa Xasan Sh. Maxamuud wuxuu helay 214 cod oo ka mida 327-ka mudane ee codkooda dhiibtay, halka madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaana shirguddoonku ay sheegeen in saddex cod ay khasaareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdikariin Qalbidhagax

Madaxweynaha laga guulaystay ee haatan xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay isaga oo u ballan-qaaday inuu la shaqaynayo madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo guddidii doorashada ee doorka weyn ka ciyaartay in doorashadu ay qabsoonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya, isagoo sheegay in dalku u baahan yahay in hore loo socdo oo aan la isdaba galin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category