Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kumay laamaha amniga

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay laamaha kala duwan ee amaanka, waxa uuna ka dhageystay warbixinta qaraxii xalay ka dhacay Liido.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas sidoo kale waxa uu alle caafimaad u weydiiyay kuwa dhaawaca ah, "Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go'an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada dowladda.

Kulankaan oo dagdag ahaa ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan laamaha amniga ku faray sugidda amniga, isagoona ku baaqay in dadka dhaawaca ah loo gurmado.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab waxa uuna sheegay in guulo ay ka gaareen isagoona ku tilmaamay xadowga umadda Soomaaliyeed,

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”. Ayaa lagu yiri warka lagu daabacay bogagga dowladda.

Xigasho: BBC

Category